Cakuye darajada jacaylka
Diblooma anoo ka haysta
Degreega intaan ka qaatay
Maxaan mastartii diyaarshay

Intaan daba galay jacaylka
Diwaanka maxaan ka baadhay
Daraasad intaan sameeyay
Maxaan dalbaday phd-da

Intuu daafaha aduunka
Nasiibkiyo dookhu joogo
Lamaane is dooranaayo
Jawiga caashaqa macaane
Dareenka caashaqu ha waaro

Maxaan aawadaa dadaalka
Digtoor ka noqdoo jacaylka
Qofuu kalgacayl dishooday
U doonay dawadii hilowga

Maxaan aniguna daraadaa
Dawlada caashaqa qof diiday
Dastuurka intaan u baadhay
Ma jiro qof yidhi la dooday

Exit mobile version