sida dayax iftiima
kuu daawan la haayo
daruuraha dhexdoodan
magacaaga dahabka
dawayahay ku qori lahaa

darajada jacaylka
sida tahay duq caaqila
kugu dooran lahaayo
doob kuugu xidhi laha

xidigaha dusheeda
inta taxo daraaraha
silis daymo wacaniyo
dahab kaaga dhigi lahaa

sida sheekha diinta
kugu dayan lahaayo
sida dayrmo kaado
loo so dalxiiso
dawaf kuugu iman lahaa

sida damal hadhweynbaa
qalbigayga ku diiran
dugsigii janaadiyo
darmo kaaga dhigi lahaa

xidigaha dusheeda
inta taxo daraaraha
silis daymo wacaniyo
dahab kaaga dhigi lahaa

Exit mobile version