adaa fikir iyo xasuus
saaida igu furoo
niyada kama faruqdide
dhaayaha sida ruux la falay
fiirada kugu eegayee
fariinta jaceylka sida inaad fahantaa rabaa
qalbiga furan iyo wajiga
farxada la dheehaybaa
hablaha kaga fiican tahay
filkaygana watahoo
adaan kugu faanayaa
waxaan filayaa anigu
inaad ficil yeelatoo
nafteydan furdaamisee
falaadha ku mudan wadnuhu
intaanay igu fogaan
talada aan kuu fasilay
inaad fulisaa rabaa
qalbiga furan iyo wajiga
farxada lagu dheehay
hablaha ka ga fiican tahoo
faqayga awaatahoo
adaa kugu faanayaa

Exit mobile version