dareen ku xasilay agtaada
ku doogsada aragtidaada
ku diirsada hadaladaada
jaceylku kugu reegay gayanka
dartaa uga go ay filkaaga
dabciga ugu xushay wanaaga
xishood adi kugu dambeya
dadkana kaa soocday uunka
adigoon ka daalin salaanta
daadihi niyadiyo qalbigayga
ku xidhan dabarka kalgacaylka
doogtiyo doogtiyo doogtiyo
halbawlaha waraabsha

darmaan waxa tahay xalaala
midii dayal hiigsigeeda
duntii ku dhasha aa xariira
diintad haystaa islaama
quruxdaa hablaha doorkooda
daruur curatay sideeda
dhirtaa ubax iyo minkeeda
u deeqda hankayga beerka
adigoon ka daalin salaanta
daadihi daadihi niyadiyo qalbiygayga
ku xidhan dabarka kalgacaylka
doogtiyo dootiyo doogtiyo
halbowlaha waraabsha

Exit mobile version