labadii is fahantee
fikirkoodu uuu yahay
farxad inay wadaagaan
ma waayaan faduuliyo
nacab kala fogeeyoo
fara galiya caashaqa
falalkiyo xaasidiintiyo
fariimahan been abuurka
gacaliso ka fiirsoo
fadlan caashaqeenii
fadxiyaay ha moogaan

faqa gaar ahaaneed
labadii isku filanee
isu faanta abidkood
qaar baa faduuliyo
inay kala fogeeyaan
foolxumo u doorbida
falalkiyo xaasidiintiyo
fariimahan been abuurka
gacaliso ka fiirsoo
fadlan caashaqeenii
fadxiyaay ha moogaan

Exit mobile version