Sidiisaba kalgacalkuye
masalguuro caashaqu
anigana sabaan dheer
sadriguu kuxidhan yahaye

Subaxdaynu kulanu
sahansaday naftaydee
subanaanta hadalkiyo
socodkiyo talaabada
samiiray ideeqee

Seer mawaydo curatiyo
sagalkiyo daruurtaaad
saamiga waxdheerte
salka dhigay jacaylkuye
sinta kaalay igu qabo

Lama sooro aadmiga
saansaan kaaga quruxdiyo
waa sad uu ilahay
ruuxuudoona siiye

Samayskaaga wacaniyo
markaan eego socodkiyo
sin uqaadka laafyaha
samiiray nafteydani
aar maad sobob u noqotaa

Seer mawaydo curatiyo
sagalkiyo daruurtaaad
saamiga waxdheerte
salka dhigay jacaylkuye
sinta kaalay igu qabo

Exit mobile version