Sidii dheemankiyo dhagaxa luulka
Dahabka dhiinkiyo khayraadka dhulkaa
Quraysh dhaladiyo dhamays ugubeey
Dhidibka noloshiyo dhigaha farxadaay
Qurux dhawrsanoo hidaha dhaxashaay
Midaan dhugashada ku dhaygagaay
Dhabada wankiyo
Dhinaca beerkaay bartaa dhimirkiyo
Dheefshiidka jidhkaay
Dhisaay adigaa qalbiga dhayayoo
Dhabtii adigaa i dhiiri gashoo
Ku dhaartay adaa libtayda dhashe
Miyaan dhalanteed ku dhaafsan karaa
Sidii dhoolkiyo dhibica roobka
Xareed dharqatiyo dhirtoo dooglaa
Dhalaal ubaxloo dhaayaha buuxshaay
Ilwaad dhabanliyo dhabeel edeblaay
Dhashii nasabkiyo dhuuxii sharaftaay
Midaan dhaqdayeen dhigeed ka xushaay
Midaan doortee u dhiig baxayaay
Laftaa dhabarkiyo dhuumaha wadnahaay