Hanaan quruxeey
Naftii qaracneeyd
Naftii qataneeyd
Qowlka sugneeyd
Naftii qablantee
Qariibka aheeyd
Qamuunya naftii
U qiilka la ayd
Naftii qayirneeyd
Naftii qoyaneeyd

Markaad qaramaysay
Beey qaraxdoo
Markaad qanciseey
Qandhadu ka jabtee
Adaa qabya tiray
Naftii qablantee
Haddaan qumaneey
Dartaa qoslayaaaa

Marbaan quruxeey
Waabeey qastoo
Qadhaadhka jacayl
Shalaan qurqurshoo
Nin qoonta haween
Waxaan ahay qaba
Naftii qanacdaan
Markale qasbayaaa

Wadnaha qalan
Hawl baa qabsatoo
Qooniyo nabarbaa
Kasii qoyanoo
Midba nin qalaa
Qunyari u dhaxdoo
Mid ba qurba aadayoo
Qaxdayoo
Qacdii meherkuu
Qaar baa lakulmee

Aan qooys iyo reer
Qorshaha ugalee
Matahay qof fayoow
Tu xoorku qabtoo
Matahay niyad qura
Maleedahay qoowl
Qaraar suganiyo
Runaan qayirmeeyn

Marbaan quruxeey
Waabeey qastoo
Qadhaadhka jacayl
Shalaan qurqurshoo
Nin qoonta haween
Waxaan ahay qaba
Naftii qanacdaan
Markale qasbayaaa

Exit mobile version