lamaane jacaylka sooray
sariigtoo soo dhaweeyay
barbaar sadrigooda caashaqa
sabeeya reer samaystay

adaa saafiyeey haweenka
taako iyo suxul sare u dhaafay
sawraca quruxdaada suuban
suluukhaad kala sinaatay

SAATIRKU ubad ha idin siiyo
reerkaasi hadeer la seesay
ha noqdo kii lagu sifeeyo
samaaniyo khayr aan suulin

Exit mobile version