waa libaanta aduunyo
waa lamaane midoobay
waa ladnaan laba caawa
ka lib gaadhay jacaylka

labayahaw mataanoobay
loo bogay arooskooda
luriyo ka fogaada ciil
laabaha isu galiya khayr

digriyaw iyo ladan najmaay
halbeeg qurux lagu daydiyo
noqdaay laba guri xasilay
libiyo ducaan idinku ladhay
nolosha ku nagaada reer
ku lada halka aad gasheen

waa lamaane bahoobay
waa dareen laxow dhaafay
waa nasiib libin gaadhay
mar labaad nolol keenay

Exit mobile version