marbaad samirka diidaa
marbaad gacanta saydhaa
ka socotaa ilawdaa
samihii horee jiray

adoon garanayn sababta
subaxdii timaadaba
sahwiyo dhib inaad ku joogtaa
saw dhib iyo ma aha yaab

ana salawga caashaqa
inkastoon sara kala kacay
maba sifayn karaye
ALLOW sahal umuuraha

marbaad si kale noqotaa
marbaad sariir ku ururtaa
ka soontaa nafacada oo
hurdo seexan waydaa

waa sinbiil aduunyadu
ma simaan dharaaruhu
saaciyo barwaaqada
midba waa si gooniya

Exit mobile version