Intii aan kala cadhooney
Muxuu Cadaw yidhi heshiiya
Maxay casar iyo habeenba
Ku taamay cidhib tirkeena
Maxay casar iyo habeenba
Ku taamay cidhib tirkeena
2x
Sidii filimaan cajiiba
Maxaynu ahayn cayaaruu
Sidii filimaan cajiiba
Maxaynu ahayn cayaaruu
Qofkii i yidhaa cadgooso
Caloosha maxaan ka gooyay
2x
Xidhiidhkeenoo curiyaama
Maxay codsadeen ayaamo
Noolaha qof inuu cadeeyo
Muxuu faray ceebaheena
Muxuu faray ceebaheena
2x
Saaxiibada galinba cayna
Agtooda maxaan ka caagay
Cishooyin kuwii warqaadey
Ceebtooda maxaan ogsooneyn
Cishooyin kuwii warqaadey
Ceebtooda maxaan ogsooneyn
2x
Dadyow ku cuslaa agteena
Maxaan bartay camaladooda
Dadyow ku cuslaa agteena
Maxaan bartay camaladooda
Ha yeeshee caashaqeena
Cafis uunbaa badbaadshey
2x
Xidhiidhkeenoo curiyaama
Maxay codsadeen ayaamo
Noolaha qof inuu cadeeyo
Muxuu faray ceebaheena
Muxuu faray ceebaheena
2x

Exit mobile version