hadaan dago uurka hoose
afkaan magacaaga daynan
dibnaha adaa xukuma
adaaa dagalada qalbiga
adaa sidii sawirkii dulsudhan

dugsiga barashada jacaylka
darsiga lagu dhigo xaqdhawrka
adaa dar alle ibaray
dal xiis waxa iigu filan
daymada aragaaga wacan

indhaha waxa ku daawadiyo
waxaad iidahay dugsoon
siday qoraxduba dayaxa
kaaha iyo uugu deeqdo nuurka
adaa ku dawaarsan maanka

nalkii rajadeed aad daartay
dubkayga waa kaa iftiin shay
wadnaha dacalbaanku siiyay
waxaaan udabaal dagaa
xalfada isku duub nideena

waxaan darmo kaaga yeelay
meel aan wali ruux darsaaba
hortaa wali ruuxku dhalan
damiir kaagaa hagee
daqiiqad qudha hay cidlayn

Exit mobile version