inkastoon gorfeeyoo
caashaqan i galay aan
gam'i waayay awgii

hoheey garashadaa
ila garanba waydoo
waxan gocanay wali
habeenkii gaduudnaa

gafkaad igu samaysiyo
nabaradii i gaadhoo
ii gaaraabi wayde

ruux garasho dheerroo
geerida yaqaanaa
marna lama guhaadshee
iga goo halkii aan
gibilkaaga uga iil

in kastoon garaaboon
gadhka iyo wadnaha
gashayoo ku taalay

misna gaooni joogine
waa aayado gaaroo
gayaankay ragaa kacay

kalgacaylkan guunkii
igu kalay yaraantee
ilama gardaadine

guur waan ka giigoo

Exit mobile version