VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hada haa - Lyrics

Hada haa. Hada haa Dhaayo xiiso hayaa Kugu dhaygagayoo Dhago aad hantidaa Ku dhagaysanayoo Earaygaad i dhahdaa Nafta dhiiri gashee Hada haa hada haa 2x Ruux jacayl na dhex yaal Kuma dheeli kare Dhabtii waan ku jantoo Kuma dhaafi kare Ma aqaan dhacdhacee Dhinacaaga adkee 2x Kuu dhiibay naftee Hada hoo Jacaylkeenu waa dhabee Hada haa Waan is dhawranaynaa Hada haa Way ino dhantahaye Hada haa 2x Hada haa hada haa Adigaan dhamidood Dhiga kaala baxoo Dhaqankaaga ayaan hubaashii la dhacoo Kaa dhawaystay ragee Dhayal ha isu malayn Hada haa hada haa 2x Qalbi kuu dhololaa Kugu dhaadanaayoo Dhaldhalaalkiyo been Kuma dhaafsan kare Kalgacaylka dhisoo Dhalanteedka ka ogow 2x Kuu dhiibay naftee Hada hoo Jacaylkeenu waa dhabee Hada haa Waan is dhawranaynaa Hada haa Way ino dhantahaye Hada haa 2x Hada haa hada haa
Queue is empty
-- / --