Jamaalkii quruxdaada
Dareenka u jibooday
Indhihii ku jaleecay
Yeeli waayay ka jeedso

Amba dookh i jujuubay
In wadnuhu kula jaaro
Xubno uu u jideeyay
Kalgacal la jareeyay

Qalbiguu jug u gaystay
Jumlad xiiso ku beermay
U ahaw jal dabiiba

Jawaabtii eraygaagu
Jahwareer iga maydh
Oo adaa jano ii ah

Naftuu way ku jeclaatay
Waanad jiidanaysaaye
Farxad saan ula jaarno
Ila joog il joog ila joog
Waligaaba ila joog

Exit mobile version