hadaan runta lagu midoobin
hadaan been laga jiray
kalgacal heer lagama gaadhe
ee ku aaminay anoo ilowsan

markaad isku kay haleysa
anaa nafta kuu hibeeyay
markaad boga ii haneysay
anaa xiska kuu hadyeeyay

hankayga intaad jibaarto
adaa himilo i kayyaa
hamiga u dhameeya laabta
ee intaan isa hayna guusha
jacayl la hilmaaami mayo

adaa hanka ila wadaaga
adaa hamigayga ah
hamiga u dhameyay laabta
ee intaan isa hayna guusha
jacayl la hilmaaami mayo

humiga waa midkeena
dhigaa ma hawysan dookhu
ilbaha jiidhkiyo lafahu
hal weyaan qudheenu

intaad i hafeef tirayso
anaa halgan kuu galayaa
intaa ii hiilinaysid
anaa u horeeya falkeyn xiga

hankayga intaad jibaarto
adaa himilo i kayyaa
hamiga u dhameeya laabta
ee intaan isa hayna guusha
jacayl la hilmaaami mayo

adaa hanka ila wadaaga
adaa hamigayga ah
hamiga u dhameyay laabta
ee intaan isa hayna guusha
jacayl la hilmaaami mayo

Exit mobile version