Jacaylka anaa xanbaarta
Xanjeerta anaa u giija
Anaa xididkiisa beera
Anaa xurmadiisa haysta

Xaqiisa anaa u hiisha
Xumaanta anaa u diida
Xanaano anaa u yeela
Anaa xaqiraad ka dhawra

Qofkii xujadiisa doona
Wanaaga anaa ku xeera
Cishqiga anaa xoreeya
Xayndaab anigaa u gooya

Jacaylka anaa xargeeya
Xoorkiisa anaa maala
Nacaybka anaa ka xaadha
Xasuuso anaa haneeya

Anaa xasadkiisa reeba
Anaa xeeryaha u yagleela
Xilkiisa anaa ku heela
Anaa xeer beegti guuda

Exit mobile version