lahashada kalgacalkaa ladi waayey
laydhiisiiban la liicliicayaaye

sida liiga xulka loolamaayyo
sida lowlow hodayaa
intaa laba laba la ii shidaya

maladniyee cishqaa
igu laba jacleeyo
loolan maayo hadaa
soo laaban waydee

lalabiyada ku haysaa
laxawgeedo
ma ladani lud iyo jif
amba way igu ladhatoo

sida laabta xuushada
kala xiiba yeesho
sida laba jiir curadaa
intaa kuso laxawsanaya

ha laliijin warankaa
kaligaysan xididadaa
hadaan luxudka la idiginee
soo laaban doone

labadoon habeenkii
ladi waayey
lulashada wadnahasoo
laxaw iguma soo kaco
sida liig xar galayban
liid gadhka ku yeesho
sida geenyo labanbaa
intaa la ijara lulayaa

maladniyee cishqaa
igu laba jacleeyo
loolan maayo hadaa
soo laaban waydee

ooyadka deyreed laxawgiisu
lugtii faraska raacde
ma kuu gowracaano

sida laash badweynbaa
liicliicayaayo
sida laalo labeeba
intaa laydhu igu ciyaarte

ha laliijin warankaa
kaligaysan xididadaa
hadaan luxudka la idiginee
soo laaban doone

Exit mobile version