xubigii xiska meelka xorastay
kuna xiisay anoo ku xusaayaa
ku xurmeeyay anoo ku xigtastay
ku xushmeeyay anoon ku xujaynin

adigoon ixasuusan xagaaga
xumadooday dhibtii xejin waayay
adigoo og xaqiiqdii xaga
haatan nafsadii xal u waayay

xeermiyaa in wanaaga la xooro
maxadbaa in jacalka la xabaalo
ma xinba in nacaybka la xoojo
ma xaqba qalbigii la xumeeyo

xiligan xiligan nafta xaasil kuu siiyay
ku xushee islahaa ku xisaabtan
xilkuu saaray intaan ku xaq dhowray
ku xanaanshay anoo ah xaruuri

adoo xagal daacshay xidhiidhka
marku xididaysatay xanaaqay
anigoo xanaftiisa xanbaartay
xanuunkiisa xoog u dareemay

Exit mobile version