axmiyaanad oranaynin
indha kuu abarsaday
haday kuu ilmeeyaan
ogobeey jaceylbaa
intuu igu itaalsaday
iikaa nugleeyeee
waxaan kaaga aayi
arxan kalaa joogee
igaba aamusnow
inyaroo ku eegtoo
iska kaa agjoogana
ma qof ay ku adagtahoo
ogolaanin baad tahay

aawadaa naftaydani
inay kuu ildaran taahay
ileen waad ogsoon tahee
umalkii jaceylkiyoo
uurku taaladaan qabay
ka daweeyoo ismad odhan
aniguna ilowoo
ka adkaysoo maan garan
igaba aamusnow
inyar oo ku eegtoo
iska kaa agjoogana
ma qof ay ku adag tahoo
ogolaanin baad tahay
ma qof ay ku adagtahoo
ogolaanin baad tahay

Exit mobile version