halyeey sumcadiyoo
edaabta edaabta edaabta
sifaha dhaqankiyo asluubtaa
rabaa kugu saday hufnaaanta
samaha burjigiyu wacnaanta

ragaba saaamiga mudnaanta
adaa ugu sita xurmaynta
adaa sad uhelay amaanta

sadriga kuu qaba hamuunta
ayaa kugu saba hawraarta
anuu sawirkaagan laabta
qalbiga surayoo dareenkaa
dartaa uga soomay oonta

sarkaal dabcigiyo bildhaanta
sumcada badan iyo qiimaynta
rabaa kugu simay milgaynta
sadbaa uheshay samaanta

adigaa soociyo tilmaanta
adigaa ku suntan ladnaanta
adaa sax uxulay xusuusta

sadriga kuu qaba hamuunta
ayaa kugu saba hawraarta
anuu sawirkaaga laabta
qalbiga surayoo dareenkaa
uga soomay oonta

Exit mobile version