Cishqi laba wadaagtaan nahoo
Wacad u yaal meele
Wakhtiba ina kala raray
Hadaan wehel ahaan lahayne
Kuma waarayno murugadoo
Wax sanbaa imane
War san dhagaha nacab
Nacabka uga tuur
Weedho ka caroodo
2x
Wadnahaygu ina yahay adaa
Baabtayoo dagayee
Waaxyaha jidhkaygiyo
Naftaad ila wadaagtaayee
Wacyi maanta aragnaa
Maruun noo wanaag galiyee
Ha warwarin walaac yuu ku galin
Samirna weel buuxso
2x
Isku wiirsan maynoo
Dantaan wada jiraynaayee
Kala waaban maynoo
Baryahan waaba yaq kalee
Isna waayi maynoo
Alaa inoo wakiilahee
Wax san filo ar khayr liyo
Samuun weyne talo saaro
2x
Wajigaaga goortaan arkaan
Wahabku duulaayee
Waaxyaha ku tabayaa aan marnabaa
Weecan karaynee
Aday kaa warwarayaan
Sidii wiil tariin dhalayee
Yuu waraabin wee Weeraha jacayl
Wada jir waa guu guulee
2x
Waxa dumar asaaga ah
Qurux Waad ka wadataayee
Wakhtigayga ugu badan
Adaan kugu waraystaayee
Qalbigaad ku weyntahay ku jecel
Oo ku weheshada ee
Caashaqu ha waaree wax lura
Aan ka wada dayrnoo
2x
Isku wiirsan maynoo
Dantaan wada jiraynaayee
Kala waaban maynoo
Baryahan waaba yaq kalee
Isna waayi maynoo
Alaa inoo wakiilahee
Wax san filo ar khayr liyo
Samuun weyne talo saaro
2x

Exit mobile version