Adaa xoojiya xubiga
Xafida xiisaha kalgacal
Adaa sharaf xeeriyoo
Xaashee adigaan aqoon
Intii ruux xumo yaqaan
2x
Adaa nacabkiyo xidha
Dadaalada xaasidkoo
Adaa xilkasoo ka dhigay
Ka dhigay xilkasoo ka dhigay
Xiriirkeenii mid dhaba
2x
Xalkii xalkii noloshaa
Nolosha ii daniyo
Qofbaa tahay la ii xuley
Wey xabiibkaan doortayoow
Xabiibkaan doortayoow
Ahow xaajigayga abid
Ahow xaajigayga abid
2x
Wanaagiyo ruux xurmiyo
Xanaano gayaa tahoo
Nolosha xeerkeeda iyo
Xaqiiqada adaa I baray
Tilmaamaha lagu xasilo
2x
Inaan dadka kaa xigsado
Horaan xidigyohow xaqiiq
Xaqiiq gaar ugu Maroo
Maroon gaar ugu Maroo
Xaq dhawr baad mudantahee
2x
Xalkii xalkii noloshaa
Nolosha ii daniyo
Qofbaa tahay la ii xuley
Wey xabiibkaan doortayoow
Xabiibkaan doortayoow
Ahow xaajigayga abid
Ahow xaajigayga abid
2x

Exit mobile version