VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Bidhaan dahab mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo

1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Nasiib Ali
Bidhaan dahab

Boga iyo naftayda jcayl baalashii dhiga e
Beer jilayca waxa iigu wacan barashadaadiiye
Dhaankaagana baxnaaniyo xubigu
Baan kamuu heline baan kamuu heline

Bukaankayga adigoo ogbaad iga bakhayshaaye
Bilashada indhahayga ku tuba oo basaas qaba e
Bildhaan dahahabeey goormaan ku heli
Baylahbaan ahaye

Wadne kuu busaylaa kalgacal baaqyo soo diraye
Barbarkayga adigoo ka maqan ma bogsoon karo e
Basanbaaska caashaqu i baday kaalay iga baano kaalay iga baano

Basanbaaska caashaqu i baday kaalay iga baano kaalay iga baano.

Birta laguma saro ruux hadii uu bes kuu yahaye
Bariidada ayaa lagu sabaa ama la booqdaaye
Bildhaantuba marbay kuu sed iyo badhaadhahaa tahaye

Bu'da iyo ishaydaad u tahay bilic aduunyaade
Bartaad igaga taala qalbiga sii balaadhataye
Bildhaan dahabeey goormaan ku heli baylahbaan ahaye

Bu'da iyo ishaydaad u tahay bilic aduunyaade
Bartaad igaga taala qalbiga sii balaadhataye
Bildhaan dahabeey goormaan ku heli baylahbaan ahaye

Wadne kuu busaylaa kalgacal baaqyo soo diraye
Barbarkayga adigoo ka maqan ma bogsoon karo e
Basanbaaska caashaqu i baday kaalay iga baano kaalay iga baano

Wadne kuu busaylaa kalgacal baaqyo soo diraye
Barbarkayga adigoo ka maqan ma bogsoon karo e
Basanbaaska caashaqu i baday kaalay iga baano kaalay iga baano.

codkii Nasiib Ali