markii aan ku idhi huuno
anigaa ku jecel heedhe
ayaad kor isku sii qaaday
kursi dhigatay guudkayga
telefoonka qaban wayday

ina tahay qof cerlesa
teeda uun ka talinaysa
waaban kaaga jeedaaye

kolkii aan ku soo doontay
is macnayn hadaad keentay
kibir aad san aad taagtay
aana kaa kaaftoomay

kaydkii xasuustaada
waan ka daadshay maankayga
ka xawilay kashayda oo dhan
naftii kuu jeclayd koonka
ka tirtiray jacaylkaaga
ka mamnuucay aragaaga

Exit mobile version