Dayax soo iftiima iyo
Dadku wada daraandareen
Ishu doogsanaysaa
Dawooy tahay
La daawadaa tahay
Nimcooy la daawadaa tahay

Jawhar daafaheediyo
Barta lagu damaashaado
Beerihii dugsoonaa
Shimbiruhu dawaafaan
Dawaafaan
Ku dalxiisa moonaa

Muqdishoo
Muqdishaay dacaladeediyo
Daarihii wacnaa
Degmadii jacaylkeena
Nabad lagu dakeeyo
Nimco ku dalxiis haboonaa
Nimco habi ku dalxiis haboonaa

Muqdishoo
Muqdishaay dacaladeediyo
Daarihii wacnaa
Degmadii jacaylkeena
Nabad lagu dakeeyo
Nasiib ku dalxiis haboonaa
Nasiib ku dalxiis macaanaa

Ubax soo baxaa tahay
Dadku wada sugaayeen
Dhalaalkiisu doog yahay
Doog yahay nasiib
Dahab nuuraya nuuraya tahayee

Daafaha afgooyiyo
Wabiyada durdurayaa
Doogu raysku qariyoo
Xooluhu dar joogaan
Dar joogaan
Ku dalxiis macaanaa

Muqdishoo
Muqdishaay dacaladeediyo
Daarihii wacnaa
Degmadii jacaylkeena
Nabad lagu dakeeyo
Nasiib ku dalxiis haboonaa
Nasiib ku dalxiis macaanaa

Muqdishoo
Muqdishaay dacaladeediyo
Daarihii wacnaa
Degmadii jacaylkeena
Nabad lagu dakeeyo
Nimco ku dalxiis haboonaa
Nimco habi ku dalxiis haboonaa

Exit mobile version