Giraangirtii wareegto
Godbay ku dhacdaa afwayne
Intaad gabadh tahay asluuble
Gobaad dhaqanloo xishoota
Guriga hooyadaa ha dhaafin

Intaad gu' yar tahay hadeerto
Garaadka hadaadan toosin
Guumays adoo ahba tiraa
Rag kuuma garaabi doono

Wanaag ha giriifin maalin
Xalaasha ha guubin fiican
Xaaraanta ha goobin joogso
Gayaanka hagoo mid raadso

Intaad golayaasha jaaska
Giblay ka cayaarto fiidka
Markuu nin ku goosto beerka
Adoo ganac buuran waayo
Hadhaw ha gunuusin ciilka

Intaan halaq iyo mas gooda
Candhuuf kula gaadhin haatan
Goguu cadawgaagu joogo
Gacal ha u raadsan saacad

Exit mobile version