Diin god gal god goray gal
Goray god galyo god diin dal
God gadaan ahayee
Inta aan gabadhyahay
Kuu gooni ahaa
Ama aan gacalooy
Garabkaaga ahaa
Gayaankii aan lahaa
Way is guursanayaan
Guribay dhisayaan
Ani maxaan galayee
Ninka geela jiraa
Heedhe wuu u gabyaa
Gacalooy aniguna
Waan gaboobay dartaa
Inta aanan gu'in
Een gunaanad seegin
Waad i gaagixisee
Maad gargaartid walaal
Gacantaada maruun
Hadaan gaadhi lahaa
Farxadbaan gam'i laa
Guul ayaan tirsan laa
Jacayl gaamuraybaan
Midhihii guran lahaa
Ragbaan gaadhi lahaa
Guurtibaan shirin lahaa
Gudcurbaan gudayaa
Guux ayaan maqlayaa
Wadne kuu go'ayaan
Gargaarkiisa rabaa
Qalbi goof ku jiraan
Go'aan kaaga rabaa
Waan is guursan lahayn
Guribaan dhisi lahayn