Haniyeey arageeda arageeda
Sidii ubixii indhaha qabsadoo
Calool is ogayn is ogayn
Baan abshir oriyoo
Ku amaanay laabtee

Hanaan istaylka
Akhlaaq hadalkeeda
Xishoodka asteeya
Inan aan la simaayo
Aduunka ma saarna
Inan aan la simaayo
Aduunka ma saarna

Hobeey dadyahoow indhadeeqa
Anaa ka heloo hobeeya
Ayaan bartaa amaan ku quboo
Hani asal weeye weeye
Amaan ku quboo hani asal weeye

Hani aynigeeda aynigeeda
Alaa ka duwoo
Alaa ka duwoo
Inaan loo huraynin
Loo huraynin anaa qirayoo
Adkaysan waaye

Hani aynigeeda aynigeeda
Alaa ka duwoo
Ayaan galinkeed
Inaan loo huraynin
Loo huraynin anaa qirayoo
Adkaysan waaye

Asturka hugeeda
Axsaan falideeda
Akhlaaq daaxadeeda
Inan aan la simaayo
Aduunka ma saarna
Inan aan la simaayo
Aduunka ma saarna

Hobeey dadyahoow indhadeeqa
Anaa ka heloo hobeeya
Ayaan bartaa amaan ku quboo
Hani asal weeye weeye
Amaan ku quboo hani asal weeye

Exit mobile version