Qofaan runta beegsan karin
U badheedhi karin
Nabarna baanan karin
Noloshu been been la tahay
Miyaa loo bogi karaa

Qofaan barbarkaaga jirin miyaa
Balan lalagaa

Markuu wacadkii burburay
Ayaan cishqigii banaday
Bartaad ku lahayd wadnaha
Waxaan ku badalay mid kale

Qofuu boholyow ku dhacay
U bukoo il daran
Bas ahoo dhib qaba
Ma ihiyoo waan bogsaday
Waxaan ahay ruux bad qaba

Jacaylka anaa ku baray
Hadana anigaa ka baxay

Exit mobile version