hilaac iyo nuur ifaay
hir doogliyo maan dhayaay
hoobaan iyo midho baxaay
halbawlaha igu jiraay
halbawlaha igu jiraay

hankaad dheertahay ragoo
hawraar waa laguu unkee
halyay karti loo qiriyo
habeen dhalad sow ma tihid
halyay karti loo qiriyo
hbeen dhalad sow ma tihid

hilaac iyo nuur ifaay
hir doogliyo maan dhayaay
hoobaan iyo midho baxaay
halbawlaha igu jiraay
halbawlaha igu jiraay

hankaad dheertahay ragoo
hawraar waa laguu unkee
halyay karti loo qiriyo
habeen dhalad sow ma tihid
halyay karti loo qiriyo
hbeen dhalad sow ma tihid

ku helay haniyeey ku helay
markaan ku hantaan dagoo
markaan hoy kula dagaan
hadhsaday hadhsaday noloshoon ku dagay

ku helay hanadaw ku helay
horjoogaagaan ku laday
habdhaqankaagana u bogay
ku helay maantana ku helay

ku helay haniyeey ku helay
markaan ku hantaan dagoo
markaan hoy kula dagaan
hadhsaday hadhsaday noloshoon ku dagay

ku helay hanadaw ku helay
horjoogaagaan ku laday
habdhaqankaagana u bogay
ku helay maantana ku helay

i hoo haniyeey i hoo
halbawlaha ii daryeel
hankana rajadiisa gali
hedana hedana mid qudhaan ka nahay

i hoo hanadaow i hoo
halbawlaha ii daryeel
hankana rajadiisa gali
hedana hedana mid qudhaan ka nahay

i hoo haniyeey i hoo
halbawlaha ii daryeel
hankana rajadiisa gali
hedana hedana mid qudhaan ka nahay

Exit mobile version