dhalinta ciidena joogta
adaa dhiiri galiya maanta
dhabtii waxa tahay tusaale
dhamaan ku daydaan dadkeenu

dhamaysbaa tahay nasraay
dhaliil ma lihid xumaan
dhigaabad u tahay haldoor

dhabeel baa tahay quruxda
gobiyo dhaladkii qarniga
dhambaaladu ay xuseen
rabina u dhameeyay sharaf
dhaayahii ku arkaa qancee
dhibaato ha mudan nasraay

dhildhilan qorqornidii agjooga
dhexdaada qiyaasan muuqa
dhalaal wacaneey hanaanka
waxa tahay dheeman dumar

sidaad u dhaadan guusha
qofbaa tahay himilo dheere
raxmaan kuma kala dhantaalo

dhabeel baa tahay quruxda
gobiyo dhaladkii qarniga
dhambaaladu ay xuseen
rabina u dhameeyay sharaf
dhaayahii ku arkaa qancee
dhibaato ha mudan nasraay

Exit mobile version