waa xuural cayn mid qurux xul ahoo
waa xaruuriyoo qoftu waa xariir

ma xaqiri karee xurmo dhawrsanaa
waa xilo janee xaas ku fiicanaa

xadantoodayoo maankay xadee
dhaban xaadle iyo xubno jalaqsanaa

hadal xanaf le iyo ma taqaan xinkoo
qoftu waa xuloo waa sii xad dhaaf

ma xasidi karee xigto dhaladsanaa
ma dhigtoo xijaab xishood miiranaa

Exit mobile version