baashihii aduunkow
waxa ii bushaaro ah
bilisiyo warkaagoo
adigaa duluud kaba
bulshada uheystee
baahida kalgacalkee
barta kutaal wadnaha
bilistaydan jiiftaa
anaa kaaga beer nugul
oo aan bogsaynayn
boqol sano hadii
aan kala baadiyownee
axdi baajin maayee
adna ha iga baydhin
balanku wuxuu inoo yahay
bad baadiyo salaanee
ha badalin jaceyl keena
wacadkana ha bayneen
boholyowga caashaqu
goortuu na weeraray
bixisadaa abuuriyo
barta cudur aan hadhin
adigaa bayaanshee
ileen aduun la maaliyo
adba araami baaliyo
baag weyni qodotoo
ha igu xumahaa baa
waataa barbaaree
balalkiyo xadkiisii
xiyibaha dhaafee
axdi baajin maayee
adna ha igu baydhin
balan wuxuu inoo yahay
badbaadiyo salaamee
ha badalin jaceylkeena
wacadkana ha beenayn

Exit mobile version