Baryaan ku sugayee
Ku baxnaaninaayee
Aaway barashaydeeniyo Macaanow
Miyaan soo baqooolaa

Ubaxaynu beerniyo
Buugii jacaylkana
Baryo soo qoraayoo
Balantii maxaa helay

Hadaan bilis xishooneen
Baaqi dumarna igu jirin
Soo maan bareereen
barta aad ku nooshahay
baryo maan imaadeen

Waa adigan Bogaagiyo
beerkii iyo wadnaha
badankaaba iga jaray
Kana baxay jacaylkii

Bilaahidii dhaartiyo
Baryadii habeenkii
Baashay wacadkee
Axdigii baylahay

Hadaan bilis xishooneen
Baaqi dumarna igu jirin
Soo maan bareereen
barta aad ku nooshahay
baryo maan imaadeen

Exit mobile version