rag waxaa uliitee
ruuxii aad is barataan
baryo isu riyaaqdaan
jaceyl isu rogtaan
markaad reer yagleshaan
runta aad wadaagtaan
rixin goys ma daayee
raaxada dhibaysee
ma rabo rafaadkee
rubadaad igoysoo
kaa reystey dhibkaage
rugmo wada gaynee
raadso meel kalee
ragii aan yiqiinee
runta dumar
ku dhiqi jirey
hadba wixii urooniyo
raali galin yaqaaney
midaan rays qabow iyo
rayn rayn aqoonoo
gododleyn urooriyo
bilaash xayta aa roogey
ma rabo rafaadkee
rubadaad igoysoo
kaa raystay dhibkaagee
rubadaad igoysoo
kaa raystay dhibkaagee
rugmo wadaad geynee
raadso meel kale

Exit mobile version