guga oo hilaaciyo marka galan gal roobaad
inuu geeda bixiyiyo galadaha sugaayaba
waa gubad abaariyo hada waa gawaan madhan
gaydhadiir madheydh waa ta laashay godolkoo
lala galin haruubkoo loo qaadin gaawaha
gar madoobe taliyiyo markaan garab sugaayaba
waakaa axdigii gabay oo igu dayrshay gabanada
oo aan ciil la golon golay
gurgurshaaga awrtiyo markaan geedigii raray
waakan gaabshay socodkii aniguna gadaan rabay
inaan guunta soo furo hada way guracantahay
waa duul is gurayee gadaal looma raacee
guul dariyo nasiibkuna waa laba is garabyaal

Exit mobile version