ninkii ceeeb mutaystoow
qofuu caashaq sahansaday
u calalaacalaayoow
isku celi ilmada oo
cidna ha ugu dudin taa
yuu uurku caloolyoow
kugu rebin ciil aad
cisho hore la kulantee
caashaqa iska ilaw
aniguna cisi iyo sharaf
cimrigay mutaystoo
nasi iguma ciganine
nin i ciil tiraan helayeey

dumar caadadooduna
hadba kii ciseyay
ululaan caleemooo
calaf kay ka dhigataa
u dhalaan caruur badan
casar liiqii cishihii markay tahay
cuudkay u shidaanoo
farxad kula caweeyaan
gogol kula cayaaraan
aniguna cisi iyo sharaf
cimrigay mutaystoo
nasi iguma ciganine
nin i ciil tiraan helayeey

Exit mobile version