sidii dagal qurxoon xeebta
dacaladeed doogu ka baxay
naf ku deexatoo
waxan ahay dartaa
dareen lagu shidoo
u taalan doonee

oo aan ka dagin ilaa
lasoo daadahshoo
dab jacayl u baxoo

uu i duufsadoo
kaan u doorsame
yaa ii haya dawada
aan ku dayn lahaa

nafta la daala dhaco
meeraha dulmaraa
dayxiyo dhulkaba
tahan dookhayadod
dalabyada cishqigu
i saarteen diiradoo
dayri ruuxa yidhi

kula kacaa dulmiga
dadnimada ka dheer
daacad wada jirteen

Exit mobile version