qof daryeel sugayoo dawo aanad u ahayn
dabin looma dhigee daacadaa la tusaa
dumarbaan ahayoo daryeelbaan sugayee
dayn la iga baxshiyo maxaan anigu diidi laha
ha igu dayrin danbi aanan lahayn
ha iga saarin dushe dadku yaanay ku maqline
hadalkaaga dabool
naf jacayl dirqiyoo daalanbaan ahayoo
ruuxaan dooran lahaa dadaal uusan lahayn
darmaan baan ahayoo door waxaan bidayee
doob inaan la darsee maxaan guur ku diidi laha

Exit mobile version