dareen qalbigan holcoo
wadnaha hugunkiisa maqal
ilmada iga hibitiqdoo
ka hoortay ishaydan eeg
afkuna waa kula hadlee
hufnaan ugu celi jawaab
hawraaraha soo baroo
kalsoonida laga helena
hadyad uga yeel dhagaha
naftana waan kuu huroo
jacaylkaagaa i hayee
adooon cidna igu helayn
hugaagii i ga dhigoo
hogaanka u hay cishqiga

habsii laab heeganoo
cishqigu hayin kaaga dhigay
kashaydan hagoo hanoo
haasaawaha ila wadaag
dookhuna kaa hari maayee
halyeeygaan doortayoow
cilaaqaad iyo heshiis
damiirkan kula hayiyo
daryeelo hankan ku raba
naftana waan kuu huroo
jacaylkaagaa i hayee
adooon cidna igu helayn
hugaagii i ga dhigoo
hogaanka u hay cishqiga

Exit mobile version