qalbigan ku jeelanee
caashaqu jirabaayee
marnaba kaa jeesane
intaan ku jaleecayee
jabkaaba iigeystaye
jees jeesba ismad odhan
anaa joogi waayaye
jidhiidhico iinaxdiyo
jidhkaaba yuu damqane
jarkaa iga tuur aniga
jaceylkuna hay dilee
wadnaha hay kala jabshee
jabkaba ka dhowr naftoo
jawaabtaba hayga gurin
qalbigan jabaqdaa hayee
qaamuraya jamashadee
jibada igu beerayee
hawada jalbeebaya
ileen ijalbeebiyee
cawdaba imaadan jarin
cishqaa jalbin iitumoo
kalgacalbaa ujiibiyee
cudbaa ujantaa hayee
adigu jilibkaba ha furin
jaceylkuna hay dilee
wadnaha hay kala jabshee
juqdaba kaba dhowr naftoo
jawaaabtaba ha iga gurin

Exit mobile version