ninkii ceeb mutaystow qofkuu caashaq sahan saday
wuu calaacalaayo isku celi ilmada oo cidna ha ugu
dudin taa
yuu uurku caloolyaw kugu reebin ciil aad cisha hore
la kulan tee caashaqa iska ilaw
aniguna cisi iyo sharaf cimrigay mutaystoo nabsi
iguma ciganine nin i ciil tiraan helayee
dumar caadadooduna hadba kii ciseeyay u lulaan
caleemaha calaf kay ka dhigatay u dhalaan caruur
badan
caasar liiqii cishihii markay tahay cuudkay u shidaan
farxad kula caweeyaan gogol kula ciyaaraan

Exit mobile version