jaceylkan xusi jiray
tabaalada aan ka jiray
tin iyo cidhib aan kusiday
tan iyo waagaad ogeyd
tabtaan rabay gaadhi waa
wuxuunbuu tabanayaa
waar hadaanad iitumayn
ama aadan tagaynin
taswiir camalaad utaagn tahay
ma tiirkii magaaladaad tahay

jaceylkan tirin jiray
tusmiyo khayr aan kuwaday
tashigu kaligii ahaa
tarmee ubaxaa ukalahee
taageeridii caashaqeenu
tagoogaha way ijabisee
waar hadaanad tumaynin
ama aadan tagaynin
taswiir camal utaagan tahee
ma tiirkii magaaladaad tahay
ma tiirkii magaaladaad tahay

Exit mobile version