Haduu caashaqa I helay
Weliba howl yari u dagay
Wadnaha hoostiisa iyo
Halbowlaha dhiiga wadaa
Oo aan uga tagey hurdadaa
Habeenkii ma seexan karinee
Hamigu waygu badan yahoo
Ilmaan deris la ahay
Midkaan midkaan midkaan
midkaan u hibeeyayee
Nafteyda dartiisa u hurey
Hadalba kuma odhan karoo
Xishood dumar bey la haray

Haduu galkacayl I hodey
Weliba hirtaanyo qabo
Halista waa ii daran tahoo
Haween nugulaan u ahay
Oo uu hadimada jaceyl
Harkiisa I qaadayoo
Daruuruhu igu hogmeen
Hilaacuna iga fog yahay
midkaan midkaan midkaan
midkaan uu hibeeyayee
Nafyeyda dartiisa u hurey
Hadalba kuma odhan karoo
Xishood dumar bey haray….

Lyrics by Mumta Maxamed

Exit mobile version