laba raadin jiray
inay reer dhistaan
isu rabay si dhaba
u rumee wakhttigu
inay raas dagaan
raali ahaansho iyo
rabi deeqdii hela
nolol raaxo badan
qoys raago noqay
rugtan aad dhisteen

adna raacii calaf
istaahileey rafiiq
calafkuna rumee
rays inaan dagtaan
rayn rayn ku hela
raali ahaansha iyo
rabi deeqdii hela
nolol raaxo badan
qoys raaga noqay
rugtan aad dhisteen

Exit mobile version