Aduu kuu Balanbalaa dheh
Aduu kuu Beernaqaa dheh
Aduu kuu Baaqayaa dheh
Badbaaduu kaa rabaa dheh
Bureeqoy soo jawaab dheh
Kashaada mar Bey lashee
Aawadaa walaac kuma Badeen dheh
Bariidadaa muu jareen dheh
Kumuu Beer laxawsaden dheh
Bestii weeyaan dartaa dheh
Ilaa hadmuu ka Bogsoon
Bukaan weeyaan sidii dheh
Mar wuu baxaa dagaa dheh
Mar wuu isku Buuqayaa dheh
Kiyoo jooguu Baxaa dheh
Bogiisa adaa kuyaal dheh Beerkana kunool dheh

Exit mobile version