baldaya danabiyo hilaac
baldaya dahab iyo xariir
baldaya deeqaha ilaah

midii dumar uga saraysay
ayuu rabi kuugu deeqay
bal daawo ku diirso

hadaad khadraba haleeshay
maantaad heshay taad dayaysee
intaad daaraba u jeexdo
nafteeda wax dooran siiso
jacaylka ku daadahee
khadraay adiguna docdaada
ismaaciil la daadahee

bal daya dhaqankiyo hidaha
bal daya duubkeedaka fiican
bal daya ehelkiyo daryeelka
khadroo sida moodo dayaxa
ilays qorax joogta duhur
bal daawo ku doogso

Exit mobile version