Wallow aynu dooqiyo
Damqashada ka simanahay
Qalbi kuu dirsadaa
Kalinima dareemayee

Anna doonistaadii
Jirka way idubaaxshayoo
Naftaa dabar ku xerata
kaa jeclaaatay dumarka

Adigaa dugsiimiyo
Kaa helay daryeelow
Qalbi Daacadoo furan
igu deeqay Yaasmiin/Huunooy

Jaceyl waa dareen
Damac weeye aadmiga
qalbiga ugu daga oo
Aragtida ku taareee

Daqaradii igaaree
Dibtii iyo dhibkaan maray
Adaa iga daweeyo
Aktaadaan ku diirsaday

Adigaa dugsiimiyo
Kaa helay daryeelow
Qalbi Daacadoo furan
igu deeqay Yaasmiin/Huunooy

Exit mobile version